Xasan Sheekh “Shacabka Soomaaliyeed waa inay helaan sababta dib loogu dhigey dacwada badda”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa twitterka waxa uu ku soo gudbiyay su’aalo la xiriira dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh ayaa su’aalo ka keenay sababaha dib loogu dhigey dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ay tahay markii labaad ee maxkamada caalamiga ah ee ICJ ku dhowaaqday in dacwada badda dib loo dhigey.

“Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiil maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey?”ayuu ku daabacay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh oo ahaa Madaxweynaha dalka xilligii dacwada badda loo gudbiyay maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa is weydiiyay in arrimahan ka soo cusboonaaday dacwada badda inay tahay mid hordhac u ah in meel aan maxkamada ahayn lagu galo dacwada.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dowlada federalka in ay shacabkeeda ay siiso jawaab waafi ah oo la xiriirta dacwada Badda.

Warkan ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sii xoojinaya shaki ku saabsan in dowlada Soomaaliya ay u diyaar garoobayso sidii meel aan ahayn maxkamad loogu xalin lahaa dacwada badda.