Baarlamaanka Puntland oo guddi u saaray dil ka dhacay Garoowe+Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), ayaa guddi ka kooban 9 Xildhibaan u saaray dil habeen kahor ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaas oo sababay Banaan-baxyo rabshado wato oo shalay ka dhacay Garoowe.

Guddoomiye Dhoobo-daareed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Odayaasha iyo Ehelada Marxuumka oo ay dileen Ciidanka Boolis, waxaan ugu tacsiyeeyay Geerida Marxuumka, isagoona sidoo kale ugu baaqay Shacabka inay ilaaliyaan Nabad-gelyada, sida uu Bartiisa Facebook ku daabacay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

“Waxaa mantay Xarunta golaha Shacabka Puntland yimid odayaasha iyo ehelada Marxuumkii lagu dilay Magaalada Garoowe oo aya ka dhasheen rabshado iyo mudaharaad Bulsho waxaa gudoomiyaha goluhu uga tacsi Yeeyay ehelkii wuxuuna u magacaabay guddi Xildhibaano( 9) xubnood ah waxaana Dadwaynaha la faray inay ilaaliyaan nabad Galyada waxay qayb ka noqon doonan Xildhibaanadu dadaalkii socday si Cabashada Dadweynaha Xal loogu helo” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa shalay dhigay banaan-baxyo rabshado, kaddib markii Ciidanka Boolisku toogteen Nin shacabka, waxaana socda baaritaano ay wadaan Hay’adaha ammaanka Puntland.