Buuhoodle: Wasiir Dhabancad oo la kulmay Isimada Gobalka Cayn+VIDEO

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland iyo Masuuliyiin katirsan Labada Gole ee Puntland ayaa kulan kula qaadatay Magaalada Buuhoodle, Isimada, Nabadoonada iyo Waxgardka Gobolka Cayn.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Mr. Dhabancad iyo Isimada iyo Waxgaradka Gobolka Cayn ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Adkaynta Nabadgaliyada Gobolka iyo Difaaca, Baahinta Maamulka Iyo dhisida Golaha Deegaanka Ee degmada Buuhoodle.

Waxgaradka iyo Isimada Gobolka Cayn ayaa Wasiir Dhabancad uga warbixyey Xaalada guud ee Gobolka, sidoo kale Wasiirka ayaa uga waramay Waxgaradka Gobolka Arrimaha Dowlada ee horumarinta Gobolka, waxaana uu ugu mahad-celiyay sida ay gacanta uga gaysteen adkaynta nabadgalyada iyo difaaca dalka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa ugu baaqay nabadoonada inay ka qayb qaataan dhisida golle deegaan oo Buuhoodle yeelato, kuwaasi oo waxtar u leh bulshada degmada ku dhaqan.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la dhiso golaha deegaanka ee degmada Buuhoodle, waxaana maalmaahan magaalada Buuhoodle ku sugna qaarka mid ah Golaha wasiirada Ee Puntland.