Dowladda Soomaaliya oo ka dalbatay Hay’adaha inay ka jawaabaan Fatahaada Wabiyada+Akhriso

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa laga dalbaday hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Gudaha dalka inay si deg deg ah uga jawaabaan dadka ay xilligaan saameeyeen fatahaadaha.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay sameeyeen fatahaado,isla markana xukuumadda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay saameynta ka dhalan karta.

Wasaaraddu waxaa kaloo ay sheegtay in dadka qaarkood iyaga oo ka cabsi qaba fatahaadaha ay si iskood ah uga barakaceen deegaano ka tirsan Hiiraan,isla markaana dadka barakacay ay gaarayaan ilaa 12,000 oo qof.

Ugu dambeyn hay’adaha Caalamiga ah ee Caawiya Soomaaliya ayaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya ay ka dalbatay inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ka barakacay fatahaadaha iyo daadka roobka deyrta oo deegaano badan ka da’ay.