Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Amar farxad galiyay Bulshada Puntland+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Oktoobar, 20, 2019 kormeer shaqo ku tegey Cisbitaalka Guud ee magaalada Boosaaso ayaa Amray in si deg deg ah loo dhiso qayb cusub oo lagu kordhindoono Cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso, taasi oo lagu xanaanayndoono caruurta ku dhalata dhiciska todobo bilood iyo wixii ka yar.

Qorshaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee kobcinta arrimaha bulshada ayaa meel sare uga jirta, sare u qaadidda tayada xarumaha caafimaadka iyo xirfadda dhakhaatiirta, qalabayn iyo dhisidda dhismayaal casri ah.