Mareykanka: Waxaan Farmaajo u sheegnay in uu ka haro dacwadda badda

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya, ayaa sheegay in uu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka abxsan maxkmadda caalamiga ah ee ICJ.

Kyle McCarter oo wareysi siiyay wargeyksa ugu afka dheer dalka Kenya ee The Daily Nation ayaa lagu weydiiyay halka dowladda Mareykanka ay ka taagan tahay arrinta badda ee ay isku hayaan labada dal.

“Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isaga bax kiiska maxkamadda ,” ayuu yiri safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya.

Kyle ayaa waxaa kale oo uu sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaala madaxda Kenya iyo Soomaaliya ay tahay sidii looga adkaan lahaa ururka Al Shabaab, taas na ay tahay qaabka keliya ee looga faaideysan karo kheyraadka badda.

Safiirka oo aan sheegin xilliga uu tegay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya uu wado dedaalo lagu xallinayo arrintan.

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacinin kullanka uu safiirka sheegay in uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xilliga uu dhacay.

Isku day aan sameynay in aan arrintan wax ka weydiino dowladda ayaan wali inoo suuragelin.

Dacwadda badda ee Kenya iyo soomaaliya aya ahortaala

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud oo dhowr maalmood kahor ka hadlay dib u dhigista dacwadda badda ayaa sheegay in dowladda looga fadhiyo in shacabka ay siiso jawaab waafi ah oo ku aadan waxa ku dhacay dhageysiga dacwadda badda oo mar labaad dib loo dhigay isbuuc ka hor.

“Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiilay maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey?”ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku daabacay bartiisa Twitter-ka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale is weydiiyay in dib u dhigista dacwadda badda ay tahay mid hordhac u ah in meel aan maxkamada ahayn lagu galo dacwada.

Maxkamadda oo horay u sheegtay in dhageysiga dacawdda la qaban doono bisha Nofeembar ee sandkan ayaa ka dib dalab kale oo Kenya ay gudbisay amaraty muddo hor leh oo ah bartamaha sanadka soo socdo.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo isna dhawaan ka hadlay dib u dhigista dacwadda badda ayaa sheegay in xilliga loo asteeyay dhageysiga dacwadda badda ay tahay xilli aan u wanaagsaneyn Soomaaliya.


Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee Soomaaliya Yusuf Garaad

Yusuf Garaad”Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020, sida ay ballanta dhexdeennu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada aqal ee baarlamaanYusuf Garaad
Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee Soomaaliya

“Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020, sida ay ballanta dhexdeennu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada aqal ee baarlamaanka iyo Madaxweyne. Ballantaana waa ay og yihiin Kenya, qareennada labada dhinac iyo Garsoorayaasha ICJ”, ayuu ku qoray boggiisa Facebook-ga.

Waxaa kale oo uu sheegay in u heellanaanta Dacwadda iyo Madaxbannaanida doorashada aysan u rooneyn ballanta la qabtay ee dhageysiga dacwadda badda.

Inkastoo Dowladda Soomaaliya ay marwalba ku adkeysato in aysan wax wadahadal ka geli doonin dacwadda badda ayaa haddana waxaan la ogeyn dhab ahaanshaha kullankan uu sheegay safiirka iyo qaabka Madaxweyne Farmaajo uu uga falceliyay dalabka Mareykanka.