Mid kamid ah Guddigii uu magacaabay Sheekh Shaakir oo Is-casilay

Cabdishakuur Ciise Xaashi oo kamid ahaa Guddiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug oo uu magacaabay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay Guddiga.

C/shakuur Ciise oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Galmudug ee dhinaca Ahlusunna kasoo galay Galmudug ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in aan lagala tashan kamid noqoshada Gudigaas,i raalina uusan ka aheyn.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa horay u Magacaawday Guddi ka kooban 13 Xubnood, hayeeshee ay diideen Hoggaanka Ahlu-sunna iyo Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug.