Sawirro: Taliyihii Ciidanka GORGOR oo muddo Afar cisho kadib lagu Aasay Muqdisho

Waxaa maanta lagu aasay Muqdisho Meydka Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsanaa Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka G/lle Maxaadeey oo habeenkii Sabtida lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday nawaaxiga Ex Hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Waxaa muddo afar cisho ka taagnaa muran ka dhashay in la aaso, kaddib markii eheladiisa ay dalbadeen la caddeeyo cida ka dambeysay dilkiisa oo noqotay mid isku tuur tuur ah, waxaana kama dambeys laga gaaray xal la isku afgartay in la aaso, mas’uuliyadana uu qaato Wasiirka Amniga, maadaama Ilaalada Hotelka uu leeyahay ay qeyb ka ahaayeen is rasaaseyntii lagu dilay Taliyaha.

Aaska Marxuum Maxaadeey ayaa waxaa ka soo qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta kumaandoosta.oday dhaqameedyo ay ka mid ahaayeen Iimaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo ehelada iyo asxaabta marxuumka.

Ex Gaashaanle Maxaadey Salaymaan ayaa ifka ugaga tegey xaas iyo shan carruur ah ayaa waxaa hore ugaga soo shaqeeyay madaxtooyada dalka iyo magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.