Axmed Karaash oo la kulmay Masuul katirsan Dowladda Sweden.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Waaxda Africa ee Dowladda Sweden Hans Magnusson.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in kulan uu la yeeshay Agaasimaha Waaxda Africa ee Dowladda Sweden uu ahaa mid waxtar leh, isagoona ugu mahad-celiyay Dowladda Sweden taageerada la garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa Qaaradda Yurub, isagoona dhowr habeen kahor ka qeyb-galay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay u sameysay Jaaliyadda Reer Puntland ee Dalka Sweden.