Ciidanka Jubbaland oo dagaal kula wareegay Degaanka Jadacley

Dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidanka Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa saaka ka dhacay deegaan lagu magacaabo Jedacaley oo hoos taga degmada Badhaadhe oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo socday muddo kooban ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, wallow aan la xaqiijin inta uu dhanyahay hadana qof ku sugnaa deegaankaas ayaa sheegay in uu arkay xoolo ay xabado ku dhaceen, kuwaas oo u badan Lo’.

Deeganka Jadacley oo qiyaastii 19-KM u jira degtmada Badhaadhe ayaa waxaa kolkii hore maamulayay Kooxda Al-Shabaab, waxaana la wareegay oo hadda gacanta ku haya Ciidanka Jubbaland oo iyagu saakay weeraray.