Ethiopia: Dad ku dhintay Dibad-baxyo ka dhan ah Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed

Saddex qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Itoobiya halka tiro shacab ah ay ku dhaawaceen, sida saraakiil Ciidanka Booliska Itoobiya ay xaqiijiyeen.

Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeeday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Labo qof oo kamid ahaa dadkii dibadbaxyada ka dhigayay magaalada Adama ayaa lagu dilay halkaas halka hal qofna uu ku dhintay magaalada bariga ku taal ee Harar, sida ay saraakiisha sheegayaan.

Halka saddex qof oo dibadbaxyaal ahna lagu dhaawacay magaalada Ambo oo dhacdo galbeed magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Waxaa la xiray waddooyinka ku yaal gobolka Oromiya iyo waddooyinka gala Addis Ababa.

Dadka dibadbaxyada dhigaya waxay tageero u muujinayay Jawar Maxamed oo ku eedeeyay dowladda inay ilaaladiisa kala noqon rabto.