Hanti-dhowrka Puntland oo soo bandhigay baaritaankii Wasaaradda Cafimaadka+Sawirro

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland Jama Farah Hasan ayaa maanta xarunta wasaarada kaga qaybgalay soo bandhigida waxa ka soo baxay baaritaankii mudo todobaad ah Hanti Dhawrka Puntland ka waday wasaarada.

Waxaa sidoo kale kulanka Joogay agaasimaha guud ee wasaarada iyo dhamaan agaasimayaasha waxyaaha kala duwan.

Gudoomiyaha hanti dhawrka Abdirisaaq cumar Farah ayaa hogaaminayay kooxda ka sootay Hanti dhawrka kulanka lagu soo bandhigayay baaritaanka Hanti dhawrku ka sameeyeen sanadkii 2018ka wasaarara caafimaadka Puntland

Gudoomiyaha hanti dhawrka Puntland Abdirisaaq Cumar Farah oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in hanti dhawrka uu qorshaha cusub ee uu ku shaqaynayo ay noqotay in marka hore warqad la geeyo xarunta la baarayo marka la dhameeyana la soo bandhigo xogta ka soo baxday baaritaanka.

Kooxda ka socotay hanti dhawrka ee sameeyay baaritaanka ayaa soo bandhigay wasaarada baaritaankii lagu sameeyay ay sidii ugu wanaagsanayd uga qabteen shaqooyinkii la rabay waaxyaha kala duwan ee wasaarada sanadkii 2018 balse ay jiraan waxyaabo u baahan bogaadin iyo wax yaalo yaryar oo u baahan sixid farsamo.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dr Abdirisaaq hirsi hasan oo soo bandhigida baaritaanka kadib kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay in hanti dhawrku ay la wadaagaan waxa ka soo baxay baaritaanka ay ku sameeyeen wasaarada.

Agaasimaha ayaa qiray in waxyaabaha la soo bandhigay qaarkood ay wax dhici kara yihiin farsamo ahaana ay udhaceen uuna rajaynayo in 2019 ay ka wanaagsanan doonto 2018 xogta ka soo baxday.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland Jama Farah Hasan oo soo gunaanaday kulanka ayaa soo dhaweeyay bogaadiyayna baaritaanka la sameeyay lalana wadaagay xogta ka soo baxday.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanku uu yahay mid loo baahanyahay waxaana u arkaa in wax lagu saxayo, waxaana rajaynayaa in wixii farsamo ahaan udhacay 2018 inaan sixi doono 2019.

Ugu danbeyn wasiirka waxa uu u mahadceliyay hanti dhawrka waxaana uu balan qaaday inay si wangsna u wada shaqayn doonaan.