Ilyaas Aadan oo amaan u jeediyay Maxkamadaha Puntland+VIDEO

Ilyaas Aadan, oo ah Aabaha Caa’isho Ilyaas oo fal Afduub, Kufsi iyo dil ah loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, oo soo dhaweeyey Go,aanka Maxkamada Sare ee ay ka gaartay Kiiska Gabadhiisa.

Ilyaas Aadan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Go,aanka Maxkamadda Sare ee Puntland, uuna sugayo in xukunka lagu fuliyo ragii falka arxan darada ah u geystay Caa’isho.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aamisay in la dhaqan-geliyo xukunkii dilka ahaa ee ku dhacay saddexdii xukmane ee lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas waxaana ay diiday dib u dalabkii dib u eegista ahaa ay codsadeen qaraanada xugmanayaasha kiiska Caa,ilyaas Aadan.