Jubbaland oo Al-baabada u laabtay Iskuulo ku yaalla Kismaayo+Akhriso

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawlad Gobaleedka Jubbaland ayaa si kumeel gaar ah u xirtay Dugsiyada kala ah Xalane iyo Aqoon-Bile oo ka mid ah Iskuulada ku yaalla Degmada Kismaayo kadib markii ay baal-mareen habraacii waxbrashada sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Maxamuud.