Maxaa looga hadlay kulankii Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Waftigii ka socday QM & AU ?+VIDEO

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda qaramada midoobay iyo midawga Afrika oo maanta booqasho ku yimid dalka.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Amina Mohamed iyo ergayga gaarka ah ee midawga Afrika u qaabishan arrimaha haweenka nabadda iyo amniga, MMe Bineta Diop.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga ka socday Qaramada midoobay iyo midawga Afrika oo ay goob joog ka aheyd wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka DFS, ayaa looga hadlay dhismaha nabadda, xallinta khilaafaadka iyo sare u qaadidda dowrka haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda.

Amina Mohamed iyo MMe Bineta Diop ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta, waxa ayna bogaadiyeen guulaha muuqda ee lagu tillaabsanayo ee dhanka amniga, dhismaha nabadda, xuquul insaanka iyo dhiirri gelinta haweenka.