Ruushka oo deyn gaaraysa $20 Bilyan oo dollar u cafiyay Wadamada Africa

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa shirka ka furmay magaalada Sochi waxa uu ugaga dhawaaqay in dalkiisu uu cafiyay dhamaan deymihii uu ku lahaa wadamada Afrika.

Deyntan uu ka cafiyay dowlada Ruushku  dalalka qaarada Afrika ayaa la sheegay inay gaarayso illaa $20 bilyan iyadoo deyntaasna ay wadamada qaarada Afrika bixin waayeen muddo sanooyin ah.

Madaxda qaarada Afrika ee ka qeybgalaya shirka ka furmay maanta magaalada Sochi ayaa soo dhoweeyay tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin.

Waxana dowlada Ruushka ay ku macneyasay cafinta deymaha inay tahay mid loogaga caawinayo dalalka Africa sida ay ugaga bixi lahaayeen saboolnimada.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada uu Ruushku ku leeyahay deymaha lacageed.
Vladimir Putin wuxuu intaas ku daray in sanadkii 2016, Russia ay u qoondeysay $ 5 milyan dollar wadamada afrika iyadoo loo sii marinayo Ururka midowga Afrika (AU) iyo Barnaamijka Cuntada Adduunka ee (WFP).