Bandhigga VOA: Eedeymo loo heysto Gen. Saadaq John oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka QM

Warbixin ay qortay Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan dabagalka arrimaha cunaqabateynta Soomaaliya ee loo yaqaano Monitoring Group, ayaa qeybo kamid ah warbixintaas waxaa ku jiray eedeymo loo soo jeediyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John.

Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa warbixin gaar ah ka sameysay eedeymaha, waxaana Warbixinta qeyb ahaan aheyd mid qarsoodi ah oo lala wadaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaana eedeymaha ka mid ah inuu hoggaaminayay weerarlkii lagu qaaday Guriga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur bishii December ee sanadkii 2017, weerarkaasoo lagu dilay shan ka mid ah Ilaalada Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

VOA ayaa Warbixintan ku wareysatay C/raxmaan C/shakuur, Taliyihii hore Nabadsugida C/llaahi Sanbaloolshe iyo Qareenka u doodayay Saadaq John oo lagu magacaabo Jeremt Schulman oo isagu ku doodaya in aanu wax lug ah ku laheyn Mr. Saadaq John weerarka lagu qaaday hoyiga Siyaasi CC Warsame.