Boqorka Sucuudiga oo badalay wasiirkiisii arimaha dibadda.

Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa wasiirkiisa cusub ee arimaha dibadda u magacaabay Faysal bin Farxaan Al-Sacuud, kaas oo badalaya wasiirka arimha dibadda ee boqortooyada Sucuudiga 10 bilood oo uu xilkaas hayay kadib.

Wasiirka cusub ee Bin Farxaan ayaa horay mudo dhawr bilood ah u soo noqday safiirka Sucuudiga ee dalka Jarmalka, isagoona markiisii ugu danbeesay ahaa lataliyaha dhanka siyaasadda ee safaaradda Washington.

Sidoo kale wasiirka cusub ayaa badalaya Ibrahim al-Assaf, oo horay usoo noqday wasiir udoolaha madaxtooyada.

Wasiirka xilka baneenayo ayaa bishii December ee sanadkii hore badalay Caadil al-Jubeer oo haatan ah wasiir u doolaha wasaaradda arimaha dibadda ee boqortooyada Sucuudiga.