Darawal Al-Shabaab ka badbaadiyay 8 qof oo Kenyaan ah

Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in Darawal Gaari Hoomey ah waday uu 8 qof oo Kenyaan ah ka badbaadiyay Ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

Onesmus Kyatha, oo ah Guddoomiyaha Gobolka Mandheera ayaa sheegay in darawalka oo ah Soomaali Kenyaan uu waday 8 qof oo shaqaale ah islamarkaaana aan u dhalay Soomaalida Kenya.

Ciidamo gaaraya 10 oo ka tirsan Al-shabaab ayaa u galay jidka,waxaana ay u haatiyeen gacanta markii uu ku soo dhawaaday ayuu xoojiyay karaarka gaariga sidaas ayuuna kaga baxsaday.

Gaariga ayaa waday shaqaale dhisme oo ka baxay Ceelwaaq kuna sii jeeday Mandheera,kuwaas oo ay jidka u galeen Al-shabaab.

Guddoomiye Onesmus Kyatha, ayaa sheegay in haddii ninkaasi gaari joojin lahaa ay AL-shabaab dili lahaayeen 8 qof ee Kenyaanka ah islamarkaana uu ninkaasi sabab u ahaa badbaadadooda.

Waxaa uu intaas ku daray  in darawalka oo uu sababo amaan magaciisa u qariyay ku tilmaamay geesi kaas oo Gaari lugta laga banjariyay la soo baxsaday markii ay lugta haleeshay rasaas ay ku fureen Al-shabaab.

Isha: Daily Nation