DEG-DEG: Golaha Wasiirada Puntland oo Shir xasaasi ah haatan uga furmay Garoowe

Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa haatan ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana shir guddoominaya Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Shirkan oo ah midka caadiga ah Khamiis walba ay yeeshaan Golaha Wasiirada Puntland ayaa ka duwan kuwii ka horeeyay, waxaana uu kusoo aadayaa xilli xasaasi ah, iyadoona looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda.

Madaxweyne Deni oo saqdii dhexe ee xalay safar dhulka ah kaga soo amba-baxay Magaalada Boosaaso oo todobaadyadii ugu dambeeyay uu ku sugnaa ayaa kulanka guddoominaya, waxaana ku sugan inta badan xubnaha Wasiirada Xukuumadda oo ay ku jiraan Wasiir ku-xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaal uu 21-kii bishan Magacaabay Madaxweynuhu.

Shirka ayaa dib uga dhacay saacadihii la qaban jiray, waxaana uu Madaxweynuhu illaa saaka kulamo ka waday xarunta Madaxtooyadda, kuwaas oo uu la yeelanaya Masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Madax ka socota Shirkadda CCECC.

Sidoo kale, Shirkan ayaa kusoo aaday xilli la filayo in 26-ka bishan October oo ku began sabtida inuu Garoowe ka furmo Kalafadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, kaas oo furmashadiisa ay hareeyeen Loolamo adag oo u dhexeeya Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Shirka ayaa la filayaa inuu soo gaba-gaboobo Caawa, iyadoona laga soo saari doono War-saxaafadeed.