Dibad baxyo rabshada wata oo wali ka soconaya dalka Lubnaan.

Dibad baxyaasha dalka Lubnaan ayaa sii wado dibadbayada rabshadaha wato iyagoona diidan in ay baneeyaan wadooyinka waa wayn oo ay ka xireen  magaalooyinka dalkaasi gaar ahaan caasimadda Beirut.

Dibadbaxyada oo galay maalintii todobaad ayaa waxa ay dadku ku dalbanayaan in dhamaan ay iscasilaan masuuliyiinta dowladda Lubnaan.

Isku dhacyo xoogan oo magaalada Beirut ku dhax maray booliska iyo dibadbaxyaasha ayaa lasheegay in ay ku dhaawacmeen labo ruux.

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Sacad Al-Xariiri ayaa siyaasiyiintu ku eedeenayaan in xukuumadiisu ay ku fashilantay wax ka qabashada dhaqaalaha liita oo ay dibad baxyaasho ka cabanayaan.