Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Masuuliyiin ka socda Shirkadda CCECC+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe masuuliyiin ka socda shirkadda CCECC oo ay hogaaminayeen maamulaha Guud ee CCECC u qaabilsan Bariga Afrika Guo Chongfeng iyo madaxa CCECC ee wadamada Soomaaliya iyo Djabouti Mr Nui Zengxiang.

Madaxweyne Deni iyo Masuuliyiinta Shirkadda CCECC ayaa ka wada-hadlay shaqooyinka muhiim ka ah ee ay shirkaddu ka hayso Puntland, gaar ahaan bilawga dib u dayactirka wadada isku xirka Garoowe iyo Boosaaso oo kulankani lagu xaqiijiyey in la bilaabidoono bisha soo socota ee November 2019.

Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Jama Deperani) ayaa ka warbixiyey kulankaasi.