Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhigiisa Ruushka+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Ruushka kana qeyb-galaya Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa waxaa uu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalkaas Vladimir Putin.

Kulanka ayaa labada Madaxweyne ay uga wada hadleen Arrimo dhowr ah oo ku saabsan dhinaca maalgashiga iyo fursadaha maalgashi oo ay heysato xilligaan Soomaaliya.

Waxaan Madaxweyne Vladamir Putin, dowladda iyo shacabka Ruushka uga mahadcelinayaa soo dhaweynta diirran iyo martisoorka wanaagsan ee ay noo fidiyeen, anigoo bogaadinaya sida heerka sare ah ee ay usoo qabanqaabiyeen Madasha Sochi ayuu yiri” Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa dhankiisa sheegay in uu bogaadinayo Madaxwda Dowladda Soomaaliya,waxaana uu taageero dhinac walbo leh uu u balan qaaday Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Ruushka uuna ka qeyb-galayo Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika,waxaa uu kulamo doceedyo kale uu la qaadan doonaa Madaxda Afrikanka ah ee ka qeyb-galeysa shirkaas.