Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo casho sharaf loogu Sameeyey Turkiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa ka qayb galay hadimo sharafeed casho ah oo uu ku martiqaaday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdilaahi Maxamed (Caydiid).

Kulanka cashada ah ayaa waxaa qayb ka ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya, hadana ah ergayga gaarka ah ee Soomaaliya Olgan Baker iyo Madaxa waaxda Africa u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Debedda Turkiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ka mahadnaqay casho sharafta uu ku maamuusay safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga isaga iyo masuuliyiinta kale ee ka qayb gashay cashadaasi, waxaana uu ku bogaadiyey shaqada uu u hayo shacabka Soomaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa safaro shaqo ku tegey qaar ka mid ah wadamada Yurub iyo Turkiga oo uu hadda ku sugan yahay, waxaana uu kulamo kala duwan la qaadandoonaa mudada uu joogo Jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ee ku sugan dalkaasi.