Maxkamad ku taalo dalka Bangladesh oo xukun dil ah ku riday in kabadan 10 ruux.

Maxkamad ku taalo dalka Bangladesh ayaa xukun dil ah ku riday illaa iyo 16 ruux oo loo haysto dil iyo kufsi loo gaystay gabar arday ahayd.

Nusrat Jahan Rafi, oo 19, sano jir ahayd ayaa bishii April dab laqabadsiiyay ugu geeriyootay xaafadda Feni oo 160km u jirto caasimadda dalkaasi ee Dhaka.

Dhimashada gabadhan ayaa timid kadib markii qaar kamid ah macalimiinteedii ay ku eedeesay in ay kufsadeen iyadoona dabka laqabad siiyay oo gobay badi jirkeeda uu keenay in dhawr maalin ay u geeriyooto.

Dilka loo gaystay Nusrat ayaa buuq xoogan ka dhax abuuray gudaha dalka Bangladesh iyadoona tan iyo waqtigaasi ay dalkaasi ka dhacayeen dibad baxyo xoogan.

Dadka loo haysto dilka iyo kufsiga Nusrat xukunkana lagu riday ayaa waxaa kamid ah sadax macalin oo uu ku jiro maamulaheedee.