Wasiir Beyle “Musuqa Soomaaliya waa aragti ee dhab maha”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in eedaha musuq maasuqa la xiriira ee ka dhanka ah Soomaaliya ay yihiin kuwo aan xaqiiqda ku fadhiyin.

C/raxmaan Bayle ayaa sheegay in warbixinnada Hay’adda Transparency International ee Soomaaliya sanad kasta ka gelisa heerka ugu hooseysa ay yihiin aragti ay naga qabaan ee aysan ahayn wax cilmi ku dhisay.

“Nimankaa wax qiimeeya warqad ayaan u qoray,waxaan ku iri, ardey aadan xiisad siin, sideed u imtixaaneysa?, Maxkamad ayaan geyneynaa walli billahi” ayuu yiri wasiirku.

Waxaa uu hadalkiisa raaciyay in sanadkasta ay hay’addaas 184 dal heerka ugu xun ee kaalinta 1aad ah ka geliso Soomaaliya taasina aysan ahayn wax loo dul qaadan karo.

Beyle ayaa ugu baaqay hay’addaas iyo guddiyadeeda arrimahaas qaabilsan in ay yimaadaan dalka islamarkaana qiimeeyaa website-ka wasaaradda, miisaaniyadda dowladda, buugaagta iyo waxyaabaha dalka ka jira ee maamulka maaliyadda kaddibna ka soo saaraan warbixin.

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhinaca kale sheegay in barnaamijka deyn cafinta ay cashar ka barteen sanadkasta dakhliga laga dalbado in ay gudaha ka helaan ay dhaafiyaan si loo gaaro deyn cafinta oo uu sheegay in ay hadda gaba gabo mareyso.