Wasiiradii uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Deni oo la dhaariyay+VIDEO

Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland Nuur Ciise Maxamed, ayaa dhaariyay Wasiir ku-xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynaha.

Wasiirada loo dhaariyey masuuliyadda ay u qabteen shacabkooda ayaa kala ah.

1. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan

2. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Bashiir Jaamac Maxamed

3. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Axmed Shire Siciid

4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Fardowso Cismaan Cigaal

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula dardaarmay Wasiirada inay kasoo dhalaalaan masuuliyadda loo’igmaday ee ay ku dhaarteen inay si daacadnimoleh oo ay ku jirto danta dalka, dadka iyo diintu ugu adeegaan shacabkooda, waxaana uu Alle “SWC” uga baryey inuu u fududeeyo waajibaadkooda shaqo.