Madaxweyne Deni oo lagu dhaliilay xulashada agaasimayaasha cusub

Bulshada Puntland oo aad udhaliishay magacaabista Agaasimayaasha loo magacaabay Madaxtooyada Puntland.

”Uma qalmaan dhamaan agaasimayaasha Madaxtooyada loo magacaabay in ay maqaamka Puntland matalaan”ayuu yiri mid ka mid ah haldoorka Puntland oo ana wax ka waydiinay.

Sidoo kale aqoon yahan Jamaac Faarax Aadan,ayaa yiri isna”Waxba ma dhaanto Madaxtooyada Madaxweyne Deni hogaaminayo xiligan tii ka horaysay ee dhaliisha badnayd oo Gaas hogaaminayay”.

In lagu soo xulo masuuliyiinta madaxtooyada ku matalaya Umada taageero olale waxay muujinaysaa faashil soo socda.

Bulshadu waxay ka siman yihiin dhaliisha Madaxweyne Deni ee ku aadan xulashadiisa agaasimayaasha,waxayna u arkaan shaqsiyaad ilhaamo ku ah maqaamka Puntland iyo muraayadii laga daawanyay Dowladnimada.

Madaxweyne Deni waa looga hanweynaa xulashadiisan danbe marka la qiimeeyo hogaamintii uu muujiyay 10-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Dowladnimada Puntland ilaalin bay mudan tahay.