Shirkadaha Shell iyo ExxonMobil oo ogolaaday bixinta kirada Blocks-kii Dowladii Siyaad Barre usaxiixday

Shirkadaha shidaalka ee Shell iyo ExxonMobil ,ayaa ogolaaday in ay bixiyaan lacagtii kirada ahayd ee blocks-kii Dowladdii Siyaad Barre ay ku siisay Hal Dolar ($1) per Kilometre.

Lacagtaas,ayaa Wadarteeda Guud waxay noqotay $1.7 million.

Maahan lacag badan,balse waxaa la filayaa in heshiiska cusub ay ku bixin doonaan lacagtaas mid ka badan oo gaaraysa $6 million Dollar afartii biloodba,taasoo ka bilaabanaysa Janaayo 2020.

Lacagtaas qaybsigeeda waxay ku salaysnaan doontaa heshiiskii kheyraadka ee Baydhabo.

1. Dowladda Dhexe
2. 5-ta Maamul Goboleed
3. Gobolka Banaadir

Lacagtan,ayaa ku kooban oo kaliya Shidaalka dhanka Badda kumana jiro kan dhulka ee aan weli laga heshiin.

Sida la filayo majiri doonaan shuruudo badan oo ku xiran sida ay ugaari doonto Maamul Goboleedyada lacagtaas oo Dowlada Dhexe ee Somaliya waxay ka taxadaraysaa in arimaha shidaalka buuq ku furmo,balse shirkadaha shidaalka,ayaa doonaya wada shaqeyn bilaabata si degaamadaas ay uga hawlgalaan.