Video:-Jawar Maxamed oo ka hadlay Mudaharaadyada iyo xiisada udhaxaysa RW Abiye

Magaalada Addis Ababa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka jirey qalalaaso ay ku naf waayeen saddex qof oo u dhexeeyey ciidamada amaanka iyo dad taageersan Jawar Mohamed oo ah u dhaqdhaqaaqe danaha Oromada.

Dibad-baxyada ,ayaa billowday kadib markii Jawar Mohamed sheegtay in gurigiisa ay hareeyeen ciidamada amniga, islamarkaana laga qaaday ilaaladiisa.

Jawar Maxamed waxuu khatar ku yahay hamiga dib udoorasho ee ra’isalwasaare Abiye.

Abiye oo aad uga walaacsan saamaynat xooga badan ee Jawar Maxamed,ayaa isku dayaya in uu meesha ka saaro Jawar.

Balse waxaa muuqata in ay adag tahay in Jawar meesha laga saaro Abiye si fudud ugu guulaysto markale hogaaminta Itoobiya.

Halkan ka daawo muuqaalka