VIDEO: Madaxweyne Deni oo si kulul uga jawaabay Su’aal uu weydiiyay Xildhibaan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si adag uga jawaabay Su’aal uu weydiiyay mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, taas oo aheyd inuu ku fashilmay Hoggaanka Dalka, iyo inay baneeyaan Madaxtooyadda isaga iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha Puntland oo saaka furay Kalafadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa si adag uga hadlay Su’aashaas, isagoona sheegay inay jiraan Xildhibaano doonaya inay cabsiiyaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.

Xildhibaan Cawil Daad oo ahaa Xildhibaanka weydiiyay Madaxweyne Deni Su’aasha ka careysiisay, ayaa yiri “Madaxweyne xilka waxaad heysay muddo sagaal bilood ah, waxaad moodaa in Xukuumadaadu ay u dhaqmayso mudadii ugu dambeysay ee xil-heynteeda, waxaa shaki ku aadan jiritaankoodu galay Shacabka Puntland, waxaa soo laab-laabtay khilaafka adiga iyo Madaxweyne ku-xigeenkaaga, ma haboon tahay inaad xafiiska baneysaan adiga iyo Xukuumadaadu, inta Baarlamaanku ka jawaabin dareenka Shacabka ?