Dowladda oo Ciidamo Kumaandoos ah geysay Dhuusa-mareeb.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamo Kumaandoos ah ka dejisay saaka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, kuwaas oo diyaarado looga daabulay Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan Kumaandooska ah ay gaarayaan lixdameeyo askari, waana ciidamo si gaar ah u tababaran, kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, wararka ayaana intaas ku daraya in Ciidamadan Kumaandooska ay hordhac u yihiin Wafdi ka socda Xukuumadda oo ku wajahan Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda gaaro Magaalada Dhuusamareeb, waxaana socda dadaalo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee ka jirta magaalada.

Khilaafka siyaasadeed ee ay gashay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa wehliyay dhaq dhaqaaqyo ciidan, kaddib markii magaalada ay soo buuxiyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusuna, halka horay magaalada u joogeen Ciidanka Dowladda Federaalka.

Xaalada ka jirta Magaalada Dhuusamareeb ayaa laga cabsi qabaa inay isku rogto mid dagaal, marka loo eego dhaq dhaqaaqyad labada dhinac, kuwaas oo ka dhashay Guddiyada Farsamo ee doorashooyinka Galmudug ee ay kala magacaabeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir.