Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dhismaha Wadada Gaalkacyo-Garoowe+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay dhismaha Waddooyinka waa weyn ee Puntland, gaar ahaan Dib-u-dhiska iyo Dayac-tirka Wadada Gaalkacyo-Garoowe iyo Boosaaso-Garoowe, isagoona sheegay in dhowaan uu fuliyo in la bilaabo.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay maanta furitaanka kal-fadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa sheegay in Dhismaha Wadada Boosaaso-Garoowe uu bilaabanayo horaanta bisha Nevembar ee soo socota, iyadoona ay ka cawinayaan Puntland Wadamada Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay Guulo ka gaareen dib u soo celinta Mashruuca dhismaha Wadada Gaalkacyo-Garoowe, maadama horey uu u fashilmay, waxaana uu sheegay in Mashruuca cusub ee lagu dhisayo Wadadan ay ka taageerayaan Midowga Yurub oo bixinaya 6 Milyan oo Yuuro iyo Santuukha Hormarinta Africa oo bixinaya 14 Milyan oo Dollar.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay kala qeyb-qaataan Dowladda Hormarinta amniga iyo Dhaqaalaha Dalka.