Musharax Odawaa oo baaq kasoo saaray Xiisada Siyaasadeed+VIDEO

Musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed iyo tan ciidan ee ka jirta magaalada Dhuusamareeb, isagoo ku baaqay in arrimaha jira la xalliyo.

Mr Odawaa ayaa sheegay in horay dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ay heshiis u wada hadleen oo ku saabsan in la dhiso Guddiga Farsamada, hase ahaatee haatan ay labada dhinac kala dhiseen Guddiyo Farsamo oo gooni gooni ah

“Waxaa moodaa in magaalada ka jiro diyaar garow, ciidamo ayaa lagu daabulayaa, dowladda Federaalka saakay boqol askari ayay geysay, shalayna boqol, oo ah Ciidamada Gorgor iyo Danab, waxaa magaalada ka jooga illaa shan boqol askari, dhanka Ahlusuna ayagana ciidamo ayay soo daabulayaan, waxaa rabaa baaq inaan u soo jeediyo oo ah in dhamaan la joojiyo dhismaha gudiyada, xareynta odayaasha dhaqanka iyo daabulida ciidamada, gaar ahaan kuwa Xamar laga qaaday”ayuu yiri C/raxmaan Odawaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Galmudug markii la dhisayay sanadkii 2015 aanan wax ciidan ah la geyn, isagoo xusay in ciidan ku filan ay joogaan deegaanka, waxaana uu ku baaqay in la sameeyo gogol ay ku wada hadlaan reer Galmudug sidii loo xalin lahaa khilaafka Federaalka iyo Ahlusuna.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Ciidamada qalabka sida inay bannaanka ka istaagaan colaada oo aanay faraha la gelin arrimaha siyaasada, isagoo xusay in qodobka 127 ee dastuurka KMG uu farayo in aysan ciidanada faraha la soo gelin arrimaha siyaasadda.