Siyaasi Dhuubane “Xildhibaan Cawil ma is-casilayaa hadaan u soo jeedino”+VIDEO

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Cabdirashid Cali Xaashi “Dhuubane”, ayaa taageeray khudbaddii Madaxweynaha Dowladda Puntland uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiiladda ee muujinaysay waxqabadka xukuumadda Puntland.

Sidoo kale, Siyaasi Dhoobane ayaa dhaliilay su’aal u weydiiyay Madaxweyne Deni, Xildhibaan Cawil Daad oo kamid ah Golaha Wakiilada Puntland, taas oo ka careysiisay Madaxweynaha.