Wasiir Cawad oo qaabilay Safiirka Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamed Cabdulqani Khayaad oo saldhigiisu yahay magaalada Nairobi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo qadiyadaha labada dal ay wadaagaan.

Sidoo kale intii uu socday kulanka ayaa waxay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa iskaashi adag oo wax ku ool ah ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxaa kaloo kulanka diiradda lagu saaray ka wada hadalka dhowr arrimood oo quseeya Soomaaliya iyo Sacuudiga xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa weli soo aqbalin Safiirka Soomaaliya ee dalkaas loo magacaabay C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir, kaasoo dhamaadkii bishii May uu wareegto ku magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Muddo Sanad iyo bilo ayay Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga tahay Safiir la’aan, tan iyo markii Safiirkii hore Daahir Maxamuud Geelle loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya sanadkii 2018, inkastoo sanad kaddib uu iska casilay xilkaas, waxaana Amb. Daahir Geelle uu ahaa Safiirkii u horeeyay ee Sacuudiga soo aqbala burburkii dowladdii dhexe kaddib.