Guddiga KMG ah Doorashooyinka Qaranka oo kulamo ka wada Kismaayo+VIDEO

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka BFS, ayaa Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMg ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ka bilaabay kulamo wada-tashiyo ah oo ay la yeelan Madaxda, Dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada Degaanada Jubbaland.

Xubnaha Guddiga oo uu horkacayo guddoomiyahooda Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.carab} oo shalay gaaray Kismaayo ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee Bulshada ee Magaalada Kismaayo, iyaga oo wadatashiyo iyo talooyin kala sameynaya Sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddiga soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in ay Magaalada Kismaayo kula kulmaan Madaxda ugu sareeysa Maamulka Jubbaland, iyaga oo kala hadlaya Arrimaha soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka.

Xubnaha Guddiga soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka ayaa horay u tagay Magaalooyinka, Baydhabo, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.