Ma dhabaa in Albaqdaadi lagu dilay gudaha Suuriya?

Ilo-wareedyo ku sugan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Iiraan ayaa maanta oo Axad ah sheegay in la aaminsan yahay in hoggaamiyaha ururka Dowladda Islaamka ee Daacish Abuubakar Albaghdaadi lagu dilay howlgal Milatari oo uu Mareykanku fuliyay oo ka dhacay Suuriya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan jeedinay hadal uu arrintan ugu talo-galay.

Sarkaal Mareykanka ah oo magaciisa in la qariyo dalbaday ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Baghdaadi lagu bartilmaameedsaday howlgal xilli habeen ah dhacay, hase yeeshee ma aanu xaqiijin in weerarkaasi uu guuleystay iyo in kale.

Hoggaamiyaha mid ka mid ah kooxaha hubeysan ee fadhigoodu yahay Idlib oo ku taalla waqooyi galbeed Suuriya ayaa sheegay, in la rumeysan yahay in hoggaamiyaha Daacish lagu qaarajiyay weerar la qaaday habeen barkii, weerarkaasi waxaa ka qeyb qaatay diyuuradaha Helicobterka iyo kuwa dagaalka, waxaana lagu qaaday tuulada la yiraahdo Barisha oo ku dhow soohdinta Suriya uu Turkiga la wadaago. Duulaanka cirka ah waxaa barbar socday iska hor imaad dhulka ah.

TV-ga dowladda Ciraaq ayaa maanta sheegay in uu baahin doono muuqaallo laga duubay weerarka la aaminsan yahay in Albaghdaadi lagu dilay ee Suuriya ka dhacay

Tv-ga Ciraaq oo soo xiganaya khabiir arrimaha kooxaha argagixisada ayaa sheegay in sirdoonka Ciraaq uu kaalin ka geystay jaan-goynta goobta uu Albaghdaadi ku sugnaa.

Labo ilo-wareed oo Ciraaq ah iyo laba sarkaal oo Iiraan u dhashay ayaa sheegay in dilka hogaamiyaha ururka Dowladda islaamka looga xaqiijiyay gudaha Suuriya.

Sarkaalka Iiraan u dhashay ayaa sheegay in Masuuliyiin Suuriyaan ah oo xog sugan haya ay Iiraan soo gaarsiiyeen warka la xiriira dilka Albaghdaadi.