Madaxweyne Trump oo xaqiijiyay dilka Abu bakar Al-Baqdaadi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in uu dhintay hoggaamiyihii kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish ka dib hawl gal ka dhacay dalka Suuriya.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Abuu Bakar Al-Baqdaadi ku cararay god dhulka hoostiisa ah balse markii ciidamada Mareykanka ay weerareen uu isku qarxiyay halkaasi, waxaana sida uu sheegay la dhintay saddex carruur ah oo uu godkaasi kula cararay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in 11 carruur ah laga soo badbaadiyay gurigii uu degganaa, waxaana uu hadda sheegay in dunidu ay tahay mid amni ah maadaama buu yiri la khaarijiyay “ninkii ugu cadowsanaa dunida”.

TV-ga dowladda Ciraaq ayaa maanta sheegay in uu baahin doono muuqaallo laga duubay weerarka la aaminsan yahay in Albaghdaadi lagu dilay ee Suuriya ka dhacay

Tv-ga Ciraaq oo soo xiganaya khabiir arrimaha kooxaha argagixisada ayaa sheegay in sirdoonka Ciraaq uu kaalin ka geystay jaan-goynta goobta uu Albaghdaadi ku sugnaa.

Sarkaalka Iiraan u dhashay ayaa sheegay in Masuuliyiin Suuriyaan ah oo xog sugan haya ay Iiraan soo gaarsiiyeen warka la xiriira dilka Albaghdaadi.

Hoggaamiyaha Daacish ayaa marar hore la sheegay in la dilay balse warkaasi sax ma ahayn.