Mareykanka oo duqeyn ku dilay Hogaamiyaha Daacish Abu Bakr al-Baghdadi

Mareykanka ayaa qaaday howlgal lagu bartilmaameedsanaayey  Hogaamiyaha  Daacish Abu Bakr al-Baghdadi ,sida uu ka dhawaajiyay sarkaal Mareykan ah, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ssarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka oo warbixin kooban ka bixiyay natiijada howlgalka ayaa sheegay in al-Baghdadi lagu dilay duqeyn .

Sarkaalkaasi ayaa u sheegay warbaahinta in hogaamiyaha kooxda Daacish lagu bartilmaameedsaday  gobolka Idlib ee dalka Siiriya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu maanta bayaan ka soo Aqalka Cad,kaas oo uu kaga hadlaayo dilka hoggaamiyahaasi,sida uu xaqiijiyay Afhayeen lagu magacaabo Hogan Gidley .

Al-Baghdadi wuxuu hogaaminaayey kooxahaasi shanti sano ee ugu dambeysay,isagoo ka mid noqday dhowr taliye oo ka howlgalay Ciraaq iyo Suuriya,waxaana Mareykanku ay horay u shaaciyeen in lagu dilay duqeyn.