Video:-Maxaa looga dooday kulankii Baarlamaanka Ee maanta?

Kalfadhigii golaha baarlamaanka Puntland ee shalay furmay waxuu saakay uguda galay ajandihiisii caadiga ahaa.
Xildhibaanada,ayaa ka dooday ajnadaha oo ay ku jireen qodobo xasaasiya ,kuwaasoo ay kamid ahaayeen..


1.Arinka DP World.
2.Arinka ku wareejinta garoomada shirkado gaar loo leeyahay.
3.Arinka Dastuurka iyo arimaha Fadaraalka.

Xildhibaano ay isku garab yihiin Gudoomiye Dhoobo,ayaa soo jeediyay in sidiisa lagu ansixiyo ajandaha,balse waxaa ka hor yimid inta badan Xildhibaanada oo soo jeediyay in qodob-qodob looga doodo kadibna lagu ansixiyo ama lagu diido,waxaana ugu danbayn laysku raacay in ajandaha golaha horyaala qodob-qodob looga doodo.

Goluhu saakay intaas,ayuu kusoo xirmay,waxaana maalinka beri ah bilaaban doona ka doodista ajandaha,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka