Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray Muqdisho+Sawirro

Wafdigan ayaa Waxaa Hogaaminyay Wakiilka gaarka ah ee QM u Qaabilsan ka hor tagga Askareynta Caruurta Virginia Gamba,waxaana Muqdisho kusoo dhaweeyey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe)

Soo dhaweyn kadib Wafdiga ka socda QM iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa ay yeesheen kulan gaar ah oo ay uga wada hadleen Arrimo dhowr ah.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in Wafdigan maanta muqdisho ay soo gaaraan, isagoo intaas ka hadalkiisa ku sii daray in inta ay muqdisho ku sugan yihiin ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira ka Hortagga Askareynta Caruurta.

Wafdiga ayaa sidoo kale inta ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.