Xaalka Itoobiya Oo meel khatar ah maraya

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa ka digay in xasilooni-darro dheeri ah ay ka dhici doonta dalkiisa, wuxuuna wacad ku maray inuu cadaaladda horkeeni doono kuwii ka mas’uulka ahaa dhimashada 67 qof oo geeriyooday toddobaadkan.

“Shaqaaqooyinkan aan wajanhay waxay noqon doonaan kuwa intan kasii cabsi badan oo adag, haddii aysan dadka Itoobiya midoobin oo aanay mid noqon,”

“Waxaan si adag uga shaqeyn doonnaaa inaan xaqiijinno joogteynta amarka iyo kala dambeynta, iyo in cadaaladda la horkeeno, kuwii ka mas’uulka ahaa dhibka.”

Abiye Axmed waxa uu xusay in wax u muuqday dibad-bax ka dhan ahaa dowladdiisa ay si deg deg ah isugu beddeleen isku dhacyo ku saleysan jinsi iyo diin.

“Waxaa jiray isku day xasaraddan loogu beddelayo mid diimeed iyo mid jinsi. Intii ay tani socotay ayaa ciidamadeenna waxay u noqdeen dhibanayaal”.

Waxa uu sheegay in guryo, ganacsiyo iyo goobo lagu cibaadeysto la burburiyey, islamarkaana tiro dad Ethiopian ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn ay barakaceen.

Rabashadaha ayaa arbacadii ka billowday magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa iyo inta badan gobolka Oromia, kadib markii Jawar Mohamed oo u ololeeya dadka Oromada uu ciidamada amniga ku eedeeyey inay soo abaabuleen weerar isaga ka dhan ah – eedeymahaas oo booliska ay beeniyeen.

Jawar ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii dhiir-geliyey dibad-baxyadii Itoobiya ka dhacay sanaddii tagtay, ee hoggaamiyey in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu la wareego talada dalka.