Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Ajandaha ay ku shaqeynayaan+VIDEO

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maantay ansixiyey ajandaha rasmiga ah ee uu ku shaqayn doonaan inta uu furan yahay Kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanku.

Ajandaha ay ansixiyeen Xildhibaanada ayaa waxaa kamid ah qodobo xasaasi ah, sida

1. Ansixinta Xeerarka gudiyada joogta Barlamaanka.
2. Ansixinta miisaaniyad Dowladda Puntland.
3. Anxisinta gudiga Doorashooyinka Puntland
4. Go’aaminta Qorshaha istaraatiijiyadeed ee uu goluhu ku howlagelidoono 2020-2024.
5. Xeerarka Xukuumada soo gudbiso iyo Heshiisyadii Xukuumadu gashay iyo kuwii ka horeeyay dabagalkooda.
6. Xaaladda Amniga ,dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka.
7. Laxisaabtanka xukuumadda.
8. Xaalufka deegaanka iyo jariifka badda.
9 .Dhisida Maxakamadda Dastuuriga ah.
10. Wadada isku xirta ceeldaahir iyo Ceerigaabo
11. Dib u eegista Hay’adda Wadooyinka Puntland ee PHA.
12. Shaqaalaha ajaanibta ah.
13. Barnaamijka Dimuqaariyeynta.
14 .xaalada Gobolada Maqan

Xoghayaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Xidig Warsame ayaa saxaafada uga warbixiyey ajandeyaasha ay ansixiyeen golaha wakiiladu.