Banaan-bax maalintii Saddexaad ka socda Muqdisho

Banaan-bax ay dhigayaan Darawalada Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ayaa saaka maalintii Saddexaad ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Darawalada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka ayaa u jeedka Banaanbaxooda waa uu salka ku haya cabasho ay ka muujinayaa xirnaansha qaar kamid ah waddooyinka Caasimada iyo canshuur lagu kordhiyey.

Qaar kamid ah Gaadiidleyda BL-ka ayaa sheegay inay ka Cabanayan lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay iyo xirnaashaha Waddooyinka Caasimadda.

Sidoo kale, Gaadiidleyda BL-ka ayaa sheegay in banaanbaxa ay sii wadi doonaan illaa iyo inta ay Cadaalad ka helayaan.