Beledweyne: Masuuliyiin katirsan Maamulka Hirshabelle oo lagu la yahay Fatahaada Webiga Shabelle

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in doon ay la gudoontay Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobalka iyo kan Degmada Beledweyne, kaddib markii Fatahaad ka dhalatay biyaha Wabiga Shabeelle ay rogeen doonta.

Mas’uuliyiinta Doonta la socday ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Duqa Degmada Beledweyne Safiyo Xasan Sheekh Cali Jimcaale, Guddoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax iyo dad kale.

Wararka ayaa intaas ku darayaan in dadkii la socday Doonta dhamaantooda  lagu la’yahay biyaha Wabiga Shabeelle.

Sidoo Kale, Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Doonta la socotay  in ay ku sii jeedeen dhinaca deegaanka Ceel Jeele ee loo barakacay, hasse ahaatee intii aysan gaarin la gadoontay Doontii ay la socdeen.

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad hor leh ka sameeyay qaar deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News