Diiwaan-gelinta Shaqaalaha Dowladda oo ka socota Garoowe+Sawirro

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ay ku leedahay Caasimada waxaa ka bilaamay diiwaan-galinta shaqaalaha rasmiga ah ee Wasaaradda kana hawal gala Gobolada puntland, waxana lagu bilaabay Diwaan galinta Shaqaalihii maray tirakoobkii 2017

Cabdi Fataax Cali Jaamac Agaasimaha Maamulka Wasaaradda Maaliyadda oo la hadlay Diiwan-gelintan ayaa yiri “Waxaa la diwaan galinayaa shaqalaha Wasaaradda Maaliyadda ee maray tira koobkii 2017, 682 qof oo gobolada oo dhan ah waxa jira shaqale kale oo aan wali marin, waxaanu ku bilownay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Caasimada kutaal shaqaalaha ka hawal gala waxan ku xijin doonaa insha alaah Gobolka Nugaal, gobolada kalena waan mari doonaa ayuu yiri Agaasimaha maamulka Wasaaradda Maaliyadda”

Cabdi Fataax Cali Jaamac ayaa sidookale ka hadlay fursadaha diwaan galinta shaqaalaha iyo helida mushaharkooda.

“Haa qof kasta oo shaqaalaha Wasaaradda ah waxaa loo sameeyay Acoon uu ku yeelanaayo Banggiga Dawladda mushahar kiisuna ugu dhici doono diwaan galintaani ma ahan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda balse dhamaan shaqaalaha Dawladdu waa marayaan”

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa horay u balan qaaday in ay horumar ka samayn doonaan Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland.