Golaha Ammaanka QM oo ka shiray Arrimaha Soomaaliya

Vassily Nebenzia, Permanent Representative of the Russian Federation to the United Nations and President of the Security Council for the month of September, chairs the Security Council meeting on the situation in Libya at the UN Headquarters in New York City, New York, September 4, 2019. (Photo by EuropaNewswire/Gado/Getty Images)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan yeeshay ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha xilligaan ka taagan Soomaaliya,iyada oo Warbixino looga dhageystay  Safiirka Biljamka u fadhiya Qaramada Midoobey oo ku saabsaneyd xaalada Soomaaliya.

Warbixinta safiirka ayaa waxaa kamid aheyd Waxqabadka Guddiga xeel-dheerayaasha la socda cunaqabateynta soomaaliya, hoos u dhigista dhoofinta dhuxusha iyo in Al-Shabaab iyo Kooxaha kale ee ka dagaalama Soomaaliya in uusan hubka gacanta u gelin.

Kadib warbixinta Safiirka Biljamka u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa Goluhu waxaa uu sidoo kale ka hadlay kaalmooyinka ay siiyaan Soomaaliya iyo sida weli Al-Shabaab Qatar ugu tahay Ammaanka iyo Dhaqaalaha badan ay xilligaan helaan.

Kulanka ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray caqabadaha ka taagan diidamada dowladda federaalka ay diidey la Shaqeynta Guddiga xeel-dheerayaasha la socda cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya.

Kuxigeenka Madaxa ergada Britain ee Qaramada Midoobey ayaa ka hadlay sida uu u arko Go’aanka ay dowladda Federaalka ku diidey  la Shaqeynta Guddiga xeel-dheerayaasha la socda cunaqabateynta dhinaca hubka.

“Ma ahan mid la aqbali karo in Soomaaliya aysan la Shaqeyn Guddigaan intii uu dhisnaa,guddoomiyaha iyo guddiga qabiirada eee golaha waxaa ay isku dayeen inay la xaaajoodaan dowladda Somalia si xal loo helo,waxaana aaminsanahay in Guddiga iyo Golaha ay fursad u heystaan inay horumar sameeyeen si caqabada uga gudbaan ay u baahan yihiin la Shaqeynta Dowladda Soomaaliya.

La-taliye sare oo dhinaca Diblumaasiyada ah kaan socday dowladda Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in uu ku raacsan yahay saaxiibadiisa kale ee Jarmalka iyo Britain ee ku aadan in dowladda Somalia diiday inay la Shaqeyso golaha Khabiirada ee la socda Guddiga cunaqabateynta,waxana uu sheegay in marnaba ka hari doonin inay dowladda Soomaaliya ogolaato la Shaqeynta Guddiga.