Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey Sharci buuq ka dhashay+VIDEO

Sharciga xaqsiinta siyaasiyiinta dowladda Soomaaliya oo ay horay u soo ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka hadana horyaallay  Golaha Aqalka Sare oo ay Maanta ansixiyeen ayaa buuq badan ka dhex dhaliyay golaha dhexdooda.

Sharciga oo ay Xubnaha Aqalka Sare  horay u marsiiyeen Akhrintiisa 1aad iyo 2aad ayaa Maanta waxaa lagu balansanaa in Akrintiisa 3aad la marsiiyo kadibna la ansixiyo balse Sanetarada qaar ayaa waxa ay soo jeediyeen in sharcigaan uusan muhiim ahayn ayna tahay in dib loo dhigo .

Buuq farabadan kadib ayaa sharciga cod loo qaaday, waxaana ansixiyay 20 sanetar,waxaa kasoo horjeestay 10 sanetar halka uu ka amusay 1 saneter oo kaliya,waxaana guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi uu sheegay in Sharcigaan ansax yahay.

Sanoter  Yuusuf Geelle Ugaas  oo kamid ahaa sXubnihii  kasoo horjeestay ansixinta sharcigaan oo shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa waxa uu ka hadlay sababaha ay uga soo horjeesteen ansixinta sharcigaan.

Waxaa uu ka codsaday Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uusan ansixin sharcigaan oo uu tilmaamay in uusan hadda dalka muhiim u ahayn.