Guddoomiye Dhooba-daareed “Awoodaha Madaxda Sare ee Puntland looma sina”+VIDEO

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in habka xasaanad ka qaadidda saddexda mas’uul ee ugu sarreeya dowladda Puntland ay caddaalad-darro ka jirto.

Mudane Dhoobo ayaa soo jeediyay in guddoomiyaha Baarlamanku uu la sinnaado madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, marka laga hadlayo xasaanad ka qaadidda.

Sida ku xusan Dastuurka Puntland, Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku waxaa lagu ridi karaa 44-cod, halka guddoomiyaha Baarlamanka lagu ridi karo 34-cod oo keliya.

Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in Dastuurka Puntland dib loo furo, si loo simo xasaanadda saddexda mas’uul ee ugu sarraysa dowladda.

Balse, BBC-da ayaa weydiisay “ guddoomiye waxaa jirtay, in aad Baarlamankii xilligaas Dastuurka ansixinayey aad kamid ahayd, markaas kuuma muuqan miyaa ma maanto aad guddoomiye tahay ayay kuu muuqata?

Mudane Dhoobo ayaa ku jawaabay “ anigu xilligaas Baarlaman wuxuu yahay iyo wax kuraastu kala tahay midna ma fahamsaneyn eedna taas kuma yeelan karo”